QORSHAHA LACAG KEYDINTA GUUD
Qorshahaan wuxuu socon doonaa 6bilood ee soo socota haduu Allah idmo
Waxa uuna ukala qeybsami doonaa ilaa 2qeybood oo kala ah
B. Keydka Arimaha Deg-Dega ah
T. Keydka Maal-gashiga
B. Keydka Arimaha Deg-Dega ah
Qeybtaan waxaa loogu tala galay in aad iskaga daboolno arimaha dag daga ah sida
1. Xanuunka qoyska iyo naftaadaba
2. Xalinta mushkiladaha kale kusoo boodada ah
Sidoo kale keydinta noocaan ah wexey leedahay qadar go,an ama cayiman oo waxaad leedahay tusaale ahaan lacgta aan ugu talo galay sanadkaan arimaha dagdaga ah waa $1000 Bas marba haday kuu gaarto kun kaas Dollar waad ka gudbeysaa oo danahaaga kale ayaad u gudbaysaa sida inaad kordhisato tan maal-gashiga
T. Keydka Maal-gashiga
Qeybtaan waxaa loo keydiyaa oo loogu diyaar garoobaa inaad sameysato maal-gashi sababtoo ah lacagtaan waxa aad ka sugaysaa inay kuu abuurto il kale oo dhaqaale kaasoo galo oo aan isha aad ka keydisay markii hore iyada sida
Tusaale.
Waxaad keydisay lacag $2000 dolar waxaadna ku maal galisay tukaan tukaankaas wuxuu bil kasta keenaa $50 dolar oo faaido ka dheeri ah qarashaadkiiza iyo adeega tukaanka
Soo dhaqaale kuusoo kordhay ma ahan
$50 dollar
Tan kale ee muhiimka ah wexey tahay keydinta noocaan ah malahan qadar cayiman ama meel ay ku egtahay sababtoo ah hadii aad wax badan ukeydsato inaad maal-gashato oo aad ku fikirto sidaad u badsan laheed ilaha ay dhaqaalaha kaasoo galaayaan waxaad noqoneysaa qof guuleysta oo ay wax badan u suurtagalaaan waana sida laga rabo qofka fikirka wanaagsan leh
0 comments
Be the first to comment!
This post is waiting for your feedback.
Share your thoughts and join the conversation.