
Xilli xilliyada ka mid ah binii aadamka sooma maroon ilaa waxyaalihii Qur’aanka Kariimku ka sheekeynaayay wax ka mid ah ayaa xilligaa caddaada oo muujinaya in waxa uu Nabigu(NNKH) uu sheeganaayay ay sax ahaayeen.
Waxa uuna Eebbe weyne yiri,
(Suradda 38:87) { اِنۡ هُوَ اِلَّا ذِكۡرٌ لِّلۡعٰلَمِيۡنَ}
“Qur’aanku waxa uu hanuun iyo waano u yahay basharka dhammaantii iyo caalamka dhammaantii”
وَلَتَعۡلَمُنَّ نَبَاَهٗ بَعۡدَ حِيۡنِ}}( (Suradda 38:88s)
“ Qur’aanka warkiisa waxaad garan doontaan muddo ka dib”
Sdoo kale eebba weyna waxa uu yiri,
} وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ ٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلْحَقَّ وَيَهْدِىٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ } (Suuradda 34:6)
” Oo kuwa la siiyay cilmi waxa ay arkaan in wax lagaaga waxyooday- adigaan Muxammadow (NNKH)- xagga rabbigaa uu xaqii yahay oo wax ku duga jidka Awood badanaha leh ammaan oo dhan “
Billowgii dunida ee qarnyadii dhexe waxa ay dadku rumeysnaayeen in carruurtu ay ka abuurmaan dhiigga hooyad ku dhaca ama dadka sida qof waliba u garanaayo, waxaa arrintaas aaminsanaa dad badan ayadoo hormuudka fekraddaasi ay ahaayeen saynisyahannadii xilligaasi noolaa walibana ka qoray buugaag badan oo xagga cilmiga ah, kuwaas oo qaarkood maanta dunida laga heli karo.
Qarnigii 16aad ee Milaadiyada waxaa nin lagu magacaabi jiray Anton Van Leeuwenhoek uu sameeyay Microscope oo lagu arki karay waxyaabo ayna ishu qaban, hadaba wixii xilligaas ka dambeeyay culimada Saynisku waxa ay isku dayeen in ay Microscopeka ku baaraan sida ay u fal galaan biyaha ragga iyo haweenkaba iyo dhammaan waxyaabahha ku saabsan uur ku jirka hooyada , hadaba culimadii sayniska waxa ay is tusen in biyaha ragga ay diyaar ku yihiin carruurtu dhalaneysa marka horeba isaga oo kuusan ama isaga oo nool oo dhex fadhiya biyaha ragga.
Xitaa waqti aad u dhaw, dadku waxa ay aaminsanaayeen in carruurtu dhalmadooda ay xadidaan unugyada haweenka ama ugu yaraan ay carruurtu ka abuurmaan unugyada hooyada ama aabaha oo wada jira , waxaa arintaas dadka ka dhaadhicin jiray culimada ku taqasusay cilmiga loo yaqaan (embryology) ama cilmiga uur ku jirka laakin Qur’aanka Kariimka ah ra’yiyadaas kala duwan waa uu qilaafsanaa marwaliba , wuxuuna qur’aanku sheegay in carruurta labka ama dhedigga ah ay xaddidaan biyaha ama shahwada ku shubma riximka hooyada ee ka yimaada ragga.
Waxa ay ku sugnaatay macluumaadkaan cilmiga ah aayada ku soo arooray Qur’aanka Kariimka ah .
Hadaba markii hormar laga gaaray cilmiga lagu magacaabo (Genetics) cilmiga fir gudbinta ama cilmiga hidaha iyo cilmi lagu magacaabo ( Microbiology) , Waxaa lagu ogaaday goordhaw in jinsiga Labka ah ama dheddiga ah ay ku lammaanan yihiin biyaha ragga ama shahwada ragga ka yimaada, halka ay haweenku aysan wax door ah ku lahayn hawshaan hadaba (chromosomes ) hide sidayaashu waa waxa xadida ama ay ka dhashaan jinsiga labka ama dheddiga, laba waliba oo (chromosomes) hidde sida yaashaan ka mid ah waxa ay u dhigmaan 46 Chromosomes, Waxmana lagu magacaabaa hide sidayaalka jinsiga, hidda sida yaalkaan ayaa lagu magacaabaa ( X,Y) oo lab ah ama wiil ah halka (X,X) ay tahay dheddig ama gabar waxaana magacaasi loo siiyay qaabka ay u eg yihiin , Hidda sidaha Y waxa uu sidaa lab halka hidda sidaha X uu sido dheddig ama gabar.
Abuurka insaanku waxa uu ka bilawdaa kala Go’a hidda sidayaasha X iyo Y inta ay ku guda jiraan hidda sidayaashaan halganka ay ku doonayaan in ay ku gaaraan ugxaanta ama jooga hooyada oo ah halka ay ka bilowdaan abuurka insaanka oo noqon kara lab ama dheddig .
Hadaba shahwada(xawada) raggu inta ay hawlgalkaan ku jirto waxa ay u qaybsantaa labs qaybood oo kala ah X iyo Y.
Haddii hidda sidaha ragga ee X-da ahi ay la kulanto hidda sidaha X-da ah ee haweenka ee diyaarka ah, carruurtaasi waxa ay noqoneysaa dheddig ama gabar, hadiise hidda sidaha Y ee ragga uu la Kulmo X-da haweenka , carruurtaasi waxa ay noqoneysaa lab ama rag.
Arrimahaan oo dhan lama ogeyn ilaa laga helay qalabka lagu baaro hidda sidayaalka qarnigii 20aad , wixii intaa ka horeeyay , waxaa la aaminsanaa in unugyada haweenku ay yihiin kuwa xadida abuurka ilmaha waana midda sababtay in haweenka lagu eedeeyn jiray in iyagu go’aan ka gaaraan ama in ay xadidaan dhalmada gabdhaha iyadoo aan ognahay in waqtiyadii hore ilaa maantadaan la joogo ay raggu aysan jecleyn qaarkood in ay gabar u dhalato laakin Qur’aanka Kariimka ah waxa uu soo degay muddo 14 qarni ka hor ah ayaa qashinka ku deray been burkii haweenka loo saarin jiray , wuxuuna Qur’aanka Kariimka ah caddeeyay in ay biyaha ragga iyo kuwa haweenkaba ay ka abuurmaan insaanka, haweenkusa aysan ahayn kuwa xadida jinsiga labka ah iyo kan dheddiga ah hadaba marka aan ku leeyahay dumarku wax door ah kuma lahan abuurka jinsiga ulama jedo biyaha haweenka kama abuurmaan ilmaha oo taasi waxaa kuu caddeyneysa aayada Qur’aanka Kariimka ah oo inoo sheegay in biyaha ragga iyo kuwa haweenkaba iyagoo isku dhafan ay carruurtu ka dhashaan, wuxuuna Alle weyne yir,” ( Suuradda 76: 3) { اِنَّا خَلَقۡنَا الۡاِنۡسَانَ مِنۡ نُّطۡفَۃٍ اَمۡشَاجٍ ۖ نَّبۡتَلِیۡہِ فَجَعَلۡنٰہُ سَمِیۡعًۢا بَصِیۡرًا }
” Xaqiiqdii waxaan ka abuurnay aadanaha ‘Nudfah’ dibic biyo ah oo isku dhafan oo ka soo baxa ninka iyo naagta si aan u jaribno markaana waxaan ka dhignaa isaga mid wax maqla waxna arka”
Laakin waxaa mucjiso Rabbaaniya ah in biyaha ( xawada) raggu yihiin kuwa sababta ama xadida Alle ka sokow jinsiga labka iyo kan dheddiga, waxaana caddeyneysa aaydahaan Qur’aanka Kariimka ah:
{ (46) مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَی (45) وَأنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالاُنثَی }
“Eebbe waxa uu abuuray labada nooc ee laga beermo waxa lab iyo waxa dheddig”
“Labaduba waxa uu ka abuuray hal dheecaan hadii calool lagu daadiyo”
Hadaba aayadahaan Qur’aanka Kariimka ah waxa ay cadeynayaan in biyaha raggu ay yihiin kuwa socda ama kuwa da’a , taasina waxa ay kuu sii caddeyneysa cilmiga Banii Aadamku ka gaaray arintaas oo ah marka biyaha raggu ay ku soo shubmaan uurka hooyada in malaayiin shahwadaas ka mid ah oo aad moodo sida cayayaanka oo kale in ay u tartamaan sidii ay u gaari lahaayeen ugxaanta hooyada ama ukunta hooyada.
Sidoo kale Alle (SWT) wuxuu yiri,
{ (Suaratu Al-Muminuun) (13) ثُمَّ جَعَلۡنٰهُ نُطۡفَةً فِىۡ قَرَارٍ مَّكِيۡنٍ (12) وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا الۡاِنۡسَانَ مِنۡ سُلٰلَةٍ مِّنۡ طِيۡنٍ }
“Dhab ahaantii waxaan ka abuurnay dadka -aadam (CS) – dhoobo sooc ah, biyo iyo ciida, dabadeed waxaan ka dhignanay firkii Aadam (CS) ‘Nudfah’ tifiqyo isku dhafan oo ninka iyo naagtuba ay soo tuuraan mark ay isu tagaan oo aan ku meeleynay meel sugan oo aamin ah , riximka ilma galeenka haweenka ama hooyada’.
{ (Suaratu Al-Mu’minuun) ثمَّ خَلَقۡنَا النُّطۡفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقۡنَا الۡعَلَقَةَ مُضۡغَةً فَخَلَقۡنَا الۡمُضۡغَةَ عِظٰمًا فَكَسَوۡنَا الۡعِظٰمَ لَحۡمًا ثُمَّ اَنۡشَاۡنٰهُ خَلۡقًا اٰخَرَ ؕ فَتَبٰـرَكَ اللّٰهُ اَحۡسَنُ الۡخٰلِقِيۡنَ ؕ }
“Dabadeed waxa aan ka dhignay ‘Nudfah’ tifqadii xinjir goosan oo adag oo dhiig adkaaday ah markaas waxaan ka yeelnay xinjirtii cad yar oo hilib ah , markaas cadki yaraa oo hilibka ahaa waxaan u sameynay lafo , markaas ayaan huwinay lafihii hilib , dabadeed waxaan keenay isagoo abuur kala ah ee ha kor ahaado Alle kan ugu wanaagsan abuurayaasha”
{ (Suaratu Al-Mu’minuun) (16) ثُمَّ اِنَّكُمۡ يَوۡمَ الۡقِيٰمَةِ تُبۡعَثُوۡن (15) ثُمَّ اِنَّكُمۡ بَعۡدَ ذٰلِكَ لَمَيِّتُوۡنَؕ }
“Intaasi kadib , hubaanti waad dhiman doontaan ,dabadeed mar kale hubaanti waa niila soo bixin doonaa maalinta qiyaamaha.”
Dhammaad
Khaleth_mupzさんをフォローして最新の投稿をチェックしよう!
0 件のコメント
この投稿にコメントしよう!
この投稿にはまだコメントがありません。
ぜひあなたの声を聞かせてください。